Nabad.


Nabad ayaa horumar leh
Nasri iyo gargaar leh
Neecaaw udgoon leh
Naq iyo barwaaqo leh
Naruuriyo farxad leh
Nooluhuna kama maarmayaan.



Naxariis iyo jaceyl baa
Laga helaa nabadduye
Kii ku naban xumaan
Oo ku naaxa colaad
Nacab haloo aqoonsado.

Comments