Waxaa wax aad looga xumaado ah xilli bulshada caalamka ay ku tartamayaan cilmi iyo horumarro nuucya badan leh ay dhagaheennu maqlaan qabiil ayaa leysku laayey oo wiil iyo abtigii ayaa goobtaa isku dilay waana nasiib darro heysata guud ahaan shacabkeenna.
Haddii aan u galo dulucda qoraalkeygan, waayahan dambe colaadda ka socota magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay mid soo laalaabata oo xal rasmi ah loo heyn weli, Shacabka Gaalkacyo uma baahna colaad,silac iyo qax.
Baaq waxaan u dirayaa siyaasiyiinta labada maamul iney si degdeg ah u jiijiyaan dagaalladan oo Alle SWT ay ka baqaan dadkoodana dhibaatada ka daayaan una naxaan shacabka Gaalkacyood.

Comments
Post a Comment